Sawirro: Yaa ku soo baxay doorashada 6 kursi ee maanta ka dhacday BAYDHABA?

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#253, Hop#178, Hop#050, Hop#230, Hop#183 iyo Hop#275 ee Baarlamaanka, waxaana ku soo baxay xubnaha kala ah:-

1- Aadan Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#253.
2- Cabdulaahi Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#178.
3- Axmed Shekh Maxamed (Mashruuc) oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#050.
4- Jaamac Taqal Cabaas oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#230.
5- Muqtaar Maxamed Guuleed oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#183.
6- Ismaciil Iidow Maxamed oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#275

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.