Kooxda Farmaajo oo isaga hareysa loolanka guddoonka AQALKA SARE + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Sare ee Baarlamaaka 11-aad ee Soomaaliya ayaa u diyaarsan dhaarin iyo is doorasho, kadib markii dhawaan lagu soo daray xubintii ka dhimaneyd.

Farxaan Cali wasiirka Maaliyadda ee maamulka Galmudug ayaa noqday qofkii ugu dambeeyey ee ku biira Aqalka Sare sanadkaan.

Nooc xulasho ah oo aan wax tartan wadan ayey badi xubnaha ku yimaadeen sanadkaan, marka lala barbardhigo sida ay xubnaha Aqalka Sare ku yimaadeen doorashadii 2016-kii, waxaa jira farqi weyn oo dib u dhac ah.

Doorashada ololaha guddoonka Aqalka Sare ayaa ka socda Caasimadda, Aqalkaan inkastsoo axmiyaddii iyo miisaankii laga filayey aan laga arag 5-tii sano ee lasoo dhaafay, haddana xubno badan oo cusub ayaa kusoo biiray sanadkaan, kuwaas oo aan lasii odorosi karin waxa ay Aqalka kusoo kordhi karaan.

Guddoomiye ku xigeenkii koowaad iyo kii labaad ee Aqalka Sare ayaa kamid noqday xubnihii waayey kuraastooda intii ay socotay xulashada Aqalka Sare, halka guddoomiyihii koowaad Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu mar kale u tartamayo kursiga guddoomiyaha Aqalka Sare.

Kooxda Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa inay macquul tahay in aysan waqti badan iyo qarash iska gelin loolanka guddoonka Aqalka Sare.

Laba sababood oo muhiim ah ayaana loo daliishanayaa dib u gurashadooda:

1- Ahmiyadda Aqalka Sare

Farmaajo iyo kooxdiisa oo dalka xukumayey 5-tii sano ee lasoo dhaafay waa laga heystay Aqalka Sare, maadaama ay ku badnaayeen odayaal siyaasadda ku gaamuray, kuwaas oo jeebkooda ka weyn.

Kooxdu waa awoodi weysay inay Aqalka Sare danaheeda ka iibiso, balse waxay dib ka qaateen aragti ah in Aqalka Sare la inkiro oo mid daciif ah laga dhigo, taas badalkeedana xiriir iyo wada-shaqeyn joogta ah lala yeesho Golaha Shacabka.

Dhaq-dhaqaaq ay mucaaradka ka dhex sameeyeen Golaha Shacabka ayaa keentay in kooxda madaxweyne Farmaajo toos u beegsato hoggaankii Golaha Shacabka, iyagoo meesha ka saaray Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.

Waxay ku guuleysteen inay golihii Shacabka hoggaankiisa qaataan oo ay dhinaca kalena neef bixiyaan Aqalka Sare.

Hadda waxay aaminsan yihiin in Aqalka Sare uusan ahmiyad gooni ah ku fadhin, wixii sharci iyo heshiis rabaana ay golaha Shacabka soo marin karaan, waa haddii ay dhacdo inay xukunka kusoo noqdaan.

Sidaas darteed ahmiyadda hoose oo uu Aqalka Sare ku leeyahay agtooda ayaa daciifineysa inay awood badan geliyaan tartanka guddoonka.

2- Tijaabin awoodeed

Kooxda madaxweyne Farmaajo haddii ay u soo istaagaan loolanka guddoonka Aqalka Sare waxaa dhici karta in laga adkaado, maadaama uu yahay Aqal aad u kooban oo tiradiisa tahay 54 xubnood.

Xubnaha ka yimid Puntland iyo Jubbaland si toos ah ayey dhinaca kale u mari karaan, Galmudug iyo Hirshabelle waxay soo celiyeen inta badan dadkii kuraasta horey ugu fadhiyey ee xog-ogaalka ahaa, waana adag tahay in aragtida kooxda Farmaajo la dhex mariyo.

Dhinaca reer waqooyiga koox isku dhafan oo Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi kala taabacsan ayaa ka yimid, sidaas darteed kooxda Farmaajo oo xubnaha Koonfur Galbeed ku xooggan waa looga itaal roonaan karaa Aqalka Sare, haddii xoogaa lacag ah iyo olole fiican la geliyo.

Haddii ay dhacdo in guddoonka Aqalkaan looga adkaado waxaa la heli doonaa cabirkooda saxda ah, waxaana abuurmayo firqooyin kale waxaana fududaan doonto in lagu dhiirado.

Si aan loo helin cabirka awoodooda waxaa jirta qeyb kooxda kamid ah oo ku doodeysa yaanan waqti iyo qarashba iska gelin guddoonka Aqalka Sare.