Mareykanka oo ka jawaabay hadal Al-Shabaab kasoo yeeray oo la xiriiray Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa ka jawaabay sheegasho kasoo yeertay Al-Shabaab, taasi oo ay ku sheegen inay mar un la wareegayaan guud ahaan Soomaaliya.

Larry ayaa sheegay in aysan Al-Shabaab u suurtagali karin inay la wareegaan Soomaaliya, si lamid ah Taliban oo ayadu ku guuleysatay inay la wareegto gacan ku haynta Afghanistan.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku tilmaamay in arrintaan ay Al-Shabaab ka leeyihiin buun-buunin, taasi oo uu wareysi laga qaaday ku sheegay Hoggaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab, Mahad Karate.

“Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo amni oo ay kamid yihiin Mareykanka, Turkiga, Midowga Afrika iyo dalalka deriska, kuwaasi oo diyaar u ah in Soomaaliya ka difaacaan khatar kasta oo kaga timaada Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu qiray Larry in Al-Shabaab ay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ku leedahay saameyn, taasi oo ku eek inay lacagaha canshuuraha ku sheegen ay ka qaadaan ganacsatada.

Hoggaamiye ku xigeenka kooxda Al-Shabaab Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karate) ayaa wareysigii ugu horreeyey oo uu bixiyey siiyey Channel 4 oo laga leeyahay UK ayaa waxa uu ku shaaciyay in wax hadal ah aysan la gelin doonin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab ayaa sababta ay ku diideen wadahadalka ku sheegeen in aysan aaminsaneyn dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cid kasta oo diidan Shareecada Islaamka aysan la hadli doono, ayna sii wadi doonaan dagaalka, isaga oo xusay inay mar uun ay ku han weyn yihiin inay la wareegaan guud ahaan Soomaaliya, ujeedkoodana uu yahay inay ka dhaqan geliyaan Shareecada.