Dhageyso: Masuulkii ay siday diyaaraddii laga soo celiyey Gedo oo bixiyay xog cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii degmada Luuq ee gobolka Gedo, garabkii taageersanaa maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdullahi Gar-dhuub ayaa ka warbixiyey is hortaag lagu sameeyey safar uu ku tegi lahaa gobolkaas, iyadoo Talaadadii diyaarad siday laga soo celiyey degmada Luuq.

Sidoo kale maamulka shirkadda iska leh diyaaradii masuulkaas geysay gobolka Gedo ee dhibaatada ku muteysatay ayaa ka hadlay dhacdadaan, waxaana is hor-taagaan lagu eedeeyey maamulkii taabacsanaa madaxweyne Farmaajo oo weli gobolkaas ka taliya.

Maxamed Gar-dhuub ayaa Talaadadii markii ugu horeysay u safray gobolkaas, kadib isbedelkii ka dhacay dalka, balse raga hadda maamula gobolkaas ayaa diyaaradda ku wargeliyey in guddoomiye Gar-dhuub aysan Muqdisho ka soo qaadi karin.

“Waxay diyaaradda ku amreen in aysan isoo qaadi karin, kadib waxaan arrinteyda ku war-geliyey Taliska NISA ee Muqdisho iyo hey’adda duulista rayidka, waxaa la ii ogolaaday in aan safari karo. Markii diyaaradii aan la socday ay soo gaartay Doolow, waxaa lagu amray in dadka ay sido la dejiyo, dad kalena aysan ka qaadi karin Doolow, markii aan u gudubnay Luuq, waxaa garoonka lagu jaray gaari ciidan, waxaana u soo gudubnay Muqdisho,” ayuu yiri guddoomiye Gar-dhuub.

Ninkaan oo la hadlay VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ragga safarkiisa hor istaagay ay yihiin taliskii NISA gobolkaas u qaabilsanaa xiligii Farmaajo, isagoo dowladda federaalka iyo Jubbaland ugu baaqay in dhibaatada maamul ee gobolkaas ka jirta deg deg wax looga qabto.

Guddoomiye ku xigeenka midowga shirkadaha diyaaradaha, ahna milkiilaha diyaaradda laga soo celiyey gobolka Gedo, Axmed Diini Cilmi oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in maamulka ka jira gobolkaas ay u sheegeen in ninkaas ay diyaaradu geyso Gedo aysan rakaab xagga kasoo qaadi doonin.

“Waxaan ku iri ninkaan Muqdisho ayuu ka baxayaa, hadii uu dembi leeyahay dowladda ayaa qabaneysa, hadii uusan dembi laheyna qof tikid naga goostay ma celi karno, waxay igu yiraahdeen hadii ninkaas aad keentaan Doolow iyo Luuq dad kama qaadi doontaan,” ayuu yiri Axmed Diini Cilmi.

Guddoomiye Axmed Diini ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan shirkadaha diyaaradaha dalka ay dhibaato badan ku qabaan maamul goboleedyada, sida markii ay gobolka geeyaan qof ay dhibsanayaan madaxda maamullada.

Hoos ka dhageyso wareysiyada Gar-Dhuub iyo Axmed Diini

Wareysiga Gar-dhuub

Wareysiga Axmed Diini