Ciidamada DF oo Muqdisho ku qabtay rag hubeysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlada Soomaaliya oo xalay howlgal ka sameeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo la sheegay in ahaayeen koox burcad ah oo dhac u geysaneysay shacabka.

Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay ilaa 5 nin oo qaarkood ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda, halka kuwa kalena ay ku hubeysnaayeen mindiyo ay ku dhibaateynayeen dadka.

Qoraal kasoo baxay maamulka Dayniile ayaa waxaa lagu faahfaahiyey howlgalkaas oo u jeedkiisu ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka guud ee degmadaasi.

Maamulka ayaa sheegay inay ka jawaabayeen cabashada kasoo yeereysa dadweynaha ee ku aadan dhaca iyo falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi.

Sidoo kale mamaulka degmada ayaa shaaca ka qaaday in soo qabashadan raggan ay gacan ka geysteen dadka deegaanka oo la shaqeeyey ciidamada ammaanka.

“Annaga oo ka jawaabayna cabashada shacabka ayaa howlgal qorsheysnaa ka fulinay egmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah. Taasna waxay noogu suuragashay wada shaqaynta shacabka,” ayaa lagu yiri qar qoraal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyo ay dowladdu ka billowday Muqdisho, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda iyo dadka ka ganacsada maan-dooriyaha.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa ammaanka caasimada wuxuu ahaa mid faraha ka baxay, waxaana xaaladu ay gaartay meeshii ugu darneyd taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.