Muxuu Biden ka yiri dilalka lagu beegsanayo Muslimiinta gobol kamid ah Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareyey dilalka afar nin oo Muslimiin ahaa oo ka dhacay gobolka New Mexico, kaasi oo booliska ay sheegeen in laga yaabo inay xiriiraan. 

“Waxaan aad uga careysnahay oo uga murugsanahay dilalka xun ee afar nin oo Mulsim ahaa oo ka dhacay magaalada Albuquerque,” ayuu madaxweyne Biden ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

“Inta aan sugeyno baaritaanka buuxa, waxay ducooyinkeena la jiraan qoysaska dhibbanayaasha, waxaana maamulkeyga uu si buuxda u garab taagan yahay bulshada Muslimiinta. Weeraradan naceybka ah meelna ugama banaana America.” 

Booliska Albuquerque, magaalada ugu weyn New Mexico, ayaa Sabtidii sheegay inay baarayaan dilka saddex nin oo Muslim ah, kuwaasi oo hadda ay sheegeen inay tuhunsan yahay inay la xiriiraan dil kale oo dhacay sanadkii tegay. 

Booliska Albuquerque ayaa bayaan ay soo saraeen ku sheegeen inay meydka dhibbanihii ugu dambeeyey heleen Jimcihii. 

Booliska ma aysan shaacin magaca ninka, hase yeeshee waxay sheegeen inuu ku jiro da’ labaatanaadka, uuna yahay Muslim “asal ahaan kasoo jeeda Koonfur Asia.”

“Baarayaasha waxay rumeysan yihiin in dilkii Jimcihii laga yaabo inuu xiriir la leeyahay dilalka saddex nin oo Muslim ah oo asal ahaan kasoo jeeday Koonfur Asia,” ayaa lagu yiri bayaanka booliska.

Laba ka mid ah dhibbanayaashii hore ayaa ahaa rag kasoo jeeday Pakistan, oo da’doodu kala aheyd 27 jir iyo 41, waxaana meydadkooda la kala helay 1-dii Augusy iyo 26-kii July.

Muhammad Afzaal Hussain, oo ahaa 27 jir agaasimaha qorshaynta ka ah magaalada Espanola, kana yimid dalka Pakistan asal ahaan, ayaa Isniintii hore lagu toogtay banaanka dhisme uu deganaa oo ku yaalla magaalada Albuquerque.

Sidoo kale, Aftab Hussein, oo ahaa 41 jir, ayaa isaga oo la toogtay meydkiisa la helay 26-kii July, isla magaalada Albuquerque. 

Baarayaasha ayaa isku dayaya inay ogaadaan haddii dilalkaas ay xiriir la leeyihiin dilka Mohammad Ahmadi oo kasoo jeeday Afghanistan oo isna la dilay November 7 2021, kaasi oo ka dhacay banaanka xarun ganacsi oo ay lahaayeen isaga iyo walaalkiisa. 

Booliska ayaa ugu baaqay in qof kasta oo haya xog ku saabsan arrintan uu lasoo xiriiro, waxayna sheegeen inay FBI-da gacan ka gaysanayso baaritaanka. 

“Dilalka beegsiga ah ee Muslimiinta degan Albuquerque waa wax aad looga caroodo oo aan la aqbali karin,” waxaa sidaas qoraal ay soo dhigtay twitter ku tiri Michelle Lujan Grisham oo ah barasaabka gobolka.

Waxa ay intaas ku dartay inay saraakiil boolis oo dheeraad ah gaynayso magaalada Albuquerque si ay gacan uga gaystaan baaritaanka.