Erdoğan oo ballan qaad u sameeyey Xasan Sheekh kadib wada-hadal taleefon

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalkaTurkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ballan qaad u sameeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kadib wada-hadal dhanka taleefoonka ah.

Erdogaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu sii wadi doono garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u Erdoğan uga mahadceliyey sida uu mar walba u garab taagan yahay Soomaaliya.

Wadahadalka taleefoonka ee labada madaxweyne ayaa ku soo aadaya wax ka yar hal bil kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ankara kula kulmay Madaxweynaha Turkiga markaas oo ay labada mas’uul galeen heshiisyo kala duwan.

Turkiga waa saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya wuxuuna tababaraa ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay taageertaa miisaaniyada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ankara waxa ay hadda ku tababartaa kumanaan ciidamo gaar ah oo isugu jira Milatari iyo Boolis, waxayna ku tababartaa xerada  TurkSom, oo ah saldhigga ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay dibadda.

Dowladda Turkiga ayaa mashaarici kala duwan ka fulisay Soomaaliya, waxaana mashaariicdaas ugu muhiimsan dhismaha jidadka laamiyada ah ee dhex mara caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.