QM, UK, Midowga AFRIKA iyo Mareykanka oo ka hadlay weerarkii hoteel XAYAAT

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlado horleh iyo qaar ka mid ah Ururada caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ay Al-Shabaab ku qaaday dhismaha Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo saacado badan qaatay.

Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka, Turkiga, UK iyo  Norway ayaa siyaabo kala duwan uag hadlay weerarkaan oo ay haatan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya shaaca ka qaaday in gebi ahaanba la soo afjaray.

Sida uu sheegay xoghahaya guud ee QM weerarkani ayaa ahaa mid laga noxo, wuxuuna tilmaamay in uu xanuunka la qaybsano ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi.

“Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Xayat Hotel ee Magaalada Muqdisho kaas oo billawday 19ka August, waxa aan murugada la qaybsanayaa qoysaska dhibbanayaasha & Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay way garab taagan tahay, Dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah ayaan u rajeynaa” ayuu yiri afhayeen u hadlay Xoghayaha guud ee QM.

Ururka Midowga Afrika ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday inuu u rajeynayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo kabasho deg-deg ah.

Siidoo kale Midowga Afrika ayaa ku booriyey ciidamada dowladda Soomaaliya inay laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxa uu cambaareynayaa weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday Xayat Hotel, Ciidamada Federaalka waxa aan rajeyneynaa in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada si loo laab qaboojiyo ehelka Dadkoodu dhibaatadu ay gaarsiiyeen” ayaa lagu yiri qoraalka howlgalka Ururka Midowga Afrika ee ATMIS.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay Safaarada UK ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Ingiriiska waxay si kulul u cambaareynaysa weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaad, waa garab taaganahay dowladda iyo dadka Soomaalida sidii ay ula dagaalameen kooxa argagaxisada ah.”

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay weerarkaan, waxayna safaaraddu tiri “Mareykanka waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xayat Hotel, Bukaannada dhaawacmay waxa aan u rajeyneenaa caafimaad taam ah.”

“Murugada waxa aan la qaybsaneynaa Dadka ehelkooda ku dhintay weerarkaan, waxa aan garab taaganahay Soomaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Si kastaba, xaaladda ayaa maanta deggan, inkastoo weli ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la filayo inay saraakiisha kula hadlaan warbaahintam si ay warbixin dhab ah uga soo saaray weerarkii ka dhacay halkaas.