DF oo saxiixday axdiga lagu unkay Jaamacada Nabadda ee QM, taasoo fursado cusub u furaysa ardeyda Soomaalida

Dr Juan Carlos, Madaxa Jaamacadda Peace oo la sheekeysanaya Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Sebtember 20, 2022

Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabsho Upeace waxay gaartay guul kale oo taariikhi ah, ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay axdiga ka mid ahaansha Jamaacada.

Talaabadan ayaa ka dhigan in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u ansixisay Axdiga Nabadda, lana filayo in ay dhaqangeliso.

Wakiilka Jaamacadda ee dalka Dr Maxamed Cismaan oo ka falcelinayay warkaas ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha uu yahay war wanaagsan oo lagu farxo.

“Warkan waa war aad loo soo dhaweynayo, waxayna jaamacaddu faraceeda Soomaaliya ka dhigaysaa inay la mid noqoto dalalka kale ee saxiixay xeerka,” ayuu yiri Dr Maxamed.

“Ardaydu waxay kaloo ka faa’idaysan doonaan deeqo waxbarasho oo kala duwan oo ay Jaamacadda bixiso” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Maxamed.

Midig: Wakiilka Upeace ee Soomaaliya Dr Mohamed Osman, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Agaasimaha Barnaamijka Gobolka UPEACE, Professor Samuel Kale Ewusi, iyo Madaxa Xafiiska Shaqaalaha ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Hussein Sheikh
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (dhexda), oo la qoslaya Dr Juan Carlos, oo ah madaxa caalamiga ah ee Upeace. Waxaa weheliya Madaxa Xafiiska Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamed ayaa saxiixay axdiga ku biirista Qaramada Midoobay isagoo ka qeyb galaya shirka 77-aad ee Qaramada Midoobay, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalkii 42-aad ee saxiixa axdiga, kaasoo ka dhashay Qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 35/55 ee soo baxay 5-tii December 1980-kii ee lagu aasaasay Jaamacadda Nabadda Xarunta Dhexe ee Costa Rica iyo Barnaamijyada Gobolka ee Afrika (Itoobiya), Yurub (Netherland) Aasiya (Shiinaha), Koonfur Bari Aasiya (Filibiin), iyo Koonfurta Ameerika (Honduras).

Khariidad muujinaysa Xarumaha waaweyn ee Jaamacadda Upeace ee dunida

Dhowr sano ka hor, Jaamacadda ayaa lagu soo dhaweeyay Soomaaliya, ka dib markii ay bilowday bixinta koorsooyinka. Wixii ka horeeyey 2018-kii ardayda Soomaaliyeed waxay u safri jireen Itoobiya oo ay Jaamacaddu ku leedahay xarunteeda ugu weyn ee qaaradda Afrika.

“Saxiixa Axdigan ee madaxweynuhu waa horumar kale oo weyn oo Jaamacadda ku talaabsatay, waxaana rajeyneynaa inuu albaabada u furo arday badan inay isku diwaan galiyaan koorasyada ay bixiso Jaamacaddu” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf, Madaxa Upeace ee Soomaaliya.

Dr Juan Carlos, maxada guud ee Jaamacadda Upeace (dhexda), Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ambassador Narinder Kakar, Kormeeraha Joogtada ah ee Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay- Goobta waa shirweynaha 77aad ee Qaramada Midoobay.

Aasaaska xaruntii ugu horeysay ee Jaamacadda taasi oo laga asaasay dalka Costa Rica, oo ah waddan ku yaal Bartamaha Ameerika, ayaa door laxaad leh ka qaadatay in ay sal-dhigato Jaamacadda.

Dhanka Afrika, Jaamacaddu waxay sannadkii 2002-dii xarunteeda ka asaastay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya barnaamijkeeda gobolka ee Afrika, kaasoo albaabada u furay kumanaan arday Afrikaan ah oo aad u jecel inay sii wataan koorsooyin la xiriira nabadda, amniga iyo horumarka.

Qaar badan oo ka mid ah ardayda ka qalin jabisay Jaamacadan ayaa hadda isticmaalaya aqoonta ay heleen si ay u dhisaan nabadda iyo inay gacan ka geystaan taageerada bulshadooda.

Bishii Ogosto 2018, Upeace waxay xarunteedii ugu horreysay ka hirgelisay magaalada Muqdisho, waana dufcadii ugu horreysay ee Jaamacadda Soomaaliya ee ardayda dhigata barnaamijyada Master iyo PhD.

UPEACE waxay qabanqaabin doontaa xafladda qalin-jabinta xigta ee Soomaaliya dhammaadka Oktoobar 2022 iyada oo in ka badan 100 arday dhaameeyey koorsada Masters-ka ah iyo ugu yaraan 10 arday oo dhameeyey shahaada PHD-ga la filayo inay helaan Shahaadooyinkooda.