MASAR oo aqbashay dalab muhiim ah oo ay u gudbisay DF

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo khayraadka Badda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan muhiim ah magaalada Qaahira ee dalka Masar kula yeeshay Mudane Sayed Al-Qassir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga dowladda Masar.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaan.

“Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ayaa uga mahad-celiyay dhigiisa dalka Masar soo dhaweynta wanaagsan ee uu u sameeyay waxaana uu ka sheekeeyey cilaaqaadka taariikhiga ah labada dal, isagoo xusay inuu yahay mid soo jireen ah muhiimna ay tahay in wadajir looga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.”

Wasiir Axmed ayaa sidoo kale dhigiisa Masar ka dalbaday in dowladdiisa ay kala shaqayso Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa kalluumaysiga dalka, loona heli lahaa Maraakiib kalluumaysi, tababaro kor loog qaadayo tayada kalluumeysatada iyo meelaha kalluunka lagu diyaariyo si loogu iib geeyo Masar iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Beeraha Masar Mudane Al-Qassir oo soo dhaweeyay kulankan ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya ay walaalo yihiin, islamarkaana ay dowladda Masar waajib ku tahay in ay garab istaagaan walaalahooda.

Sidoo kale wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ayaa wuxuu u sheegay dhigiisa dalka Masar in dowladda Soomaliyeed danaynayso in ganacsatada Soomaaliyeed loo furo suuqa Masar, si ay ugu soo iib geeyaan kalluunka Soomaaliya iyo in laga wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka kalluunka iyadoo laga faa’iideysanayo khibradda iyo aqoonta Masaaridu u leeyihiim Kalluumeysiga.

“Wuxuu si gaar ah uga codsaday Maraakiib Kallumeysi maadaama Masar ka mid tahay waddamada sameeya maraakiibta, taasi oo qayb ka qaadanaysa qorshaha Qaran ee kobcinta dhaqaalaha dalka.”

Labada masuul ayaa ugu dambeyntiina isla qaatay sidii loo sameyn lahaa shirkad wadaag kalluumeysi (Joint Ventor) iyagoo ku heshiiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo sameeyo guddi farsamo oo labada dal ah, oo dardar-geliya arrintaan.