NISA oo hoos u dhigtay shaqadii booliska Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’ada Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa hoos u dhigtay shaqadii ay magaalada Muqdisho ka hayeen ciidanka booliska, ayada oo la wareegtay howlihii ugu muhiimsanaa ee uu qaban jiray booliska.

Qorshaha hoos loogu dhigayo shaqadii booliska ee caasimada ayaa waxaa hindisaheeda iska leh taliyaha NISA Mahad Salaad, kaasi oo hadda dhaqan-galay wajigiisii koowaad, sida ay xaqiijiyeen saraakiil kamid ah nabad-sugida iyo booliska.

Waxaa meesha laga saaray oo la hakiyay howl-galadii ay ciidamadda booliska ee gobolka Banaadir iyo kuwa Haramcad ka sameyn jireen caasimada, waxaana shaqadaas si toos ah ula wareegay ciidamadda NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan.

Habeenadii la soo dhaafay ayey ciidamadaan ka tirsan NISA howl-galo ka fuliyeen degmooyinka Muqdisho, iyagoo iska reebay ciidamada booliska, waxaana la sheegaya in howl-galadaan oo joogto noqonaya ay fulinayaan NISA oo kaliya.

Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu damacsan yahay in dhamaan baraha kontrol ee laga soo galo magaalada iyo kuwa gudaha lagu wareejiyo ciidamada ka tirsan hay’adda NISA, ayada oo haatan meelaha qaarba laga hirgaliyay arrintaan.

Ciidamo NISA ka tirsan ayaa la wareegay kontroolo ku yaala nawaaxiga isgoyska Dabka iyo midka Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyada, waxaana halkaasi laga wareejiyay ciidamo boolis ah oo hubin jiray gawaarida aada dhanka Villa Somalia.

Waxaa maalmaha soo socda la filayaa in fariisimo hor leh ay la wareegaan ciidankaan ka tirsan NISA ee sida tooska ah u hoostaga taliye Mahad Salaad, si amniga guud ee caasimada loo hoos geeyo hay’ada uu madaxa ka yahay.