Maxay DF ka tiri go’aankii Golaha Ammaanka QM?

New York (Caasimada Online) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taasi oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-Shabaab ay tahay koox argagixiso ah oo weli si dhab ah u carqaladeyneysa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodday in loo baahan yahay in cunaqabateynta laga qaado, si ay Al-shabaab meesha uga saarto.

Qaraarkan oo sidoo kale walaac ka muujinaya sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika, ayaa waxa ansixiyey 11 dal oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan.

“Qaraarka wuxuu go’aamiyey in dhammaan dalalka ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhammaan hubka iyo agabka milateri ee la geeyo Soomaaliya, marka laga reebo hubka ay ka faa’iideysanayaan hay’adaha amniga iyo booliiska Soomaaliya ee heer qaran iyo heer gobol, kuwaas oo qaraarka aanu saameyneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka qaraarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka heleysay Midowga Afrika, si loo qaado cunaqabateynta hubka.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu ku ammaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageersaneyn kordhinta cunaqabateynta hubka.

Waxa uu ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab.

“Cunaqabateyntan gacamaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga arxan-laaweyaasha ah” ayuu yiri Abuukar Cusmaan.

Danjire Abuukar ayaa waxa uu sheegay in dhibanayaasha “argagixisada” ee Soomaaliyeed ay la yaaban yihiin sababta qaadista cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay khatar ugu tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, iyadoo dalalka kale loo hubeeyo si ay u difaacaadaan dhulkooda iyo dadkooda.

“Cadaalad-darrada iyo laba-wejiilanimadan waxay ka hor istaageysaa dowladda Soomaaliya inay si sharci ah u hesho qalab millatari, si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda qaranka,” ayuu u sheegay Golaha Ammaanka Danjire Abuukar Cusmaan.

Waxaa xusid mudan in qaraarka Golaha Ammaanka QM lagu cadeeyay in cunaqabataynta hubka aysan khuseyn keenista hubka iyo agabka ciidan, ama bixinta talo farsamo, dhaqaale, kaalmo kale, iyo tababarada militari ee loogu talogalay horumarinta hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya, si loo sugo amniga dadka iyo dalka.

Inkasta oo aan xayiraadda la qaadin, haddana qaabka loo dhigay iyo ogolaanshaha la siiyey dowladda federaalka iyo dalalka iyo ururada taageera ayaa ah guul weyn ah, marka loo eego go’aamadii hore.