26 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Sawirr: Maxay aheyd farriinta uu Mohamed Bensaid soo gaarsiiyey Xasan Sheekh?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dhallinyarada, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Morocco, Mohamed Mehdi Bensaid ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaasoo uu gelinkii dambe ee shalay ku qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyay farriin uu uga siday Boqor Maxamed-ka lixaad ee Morocco.

“Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiir Bensaid booqashadiisa iyo fariinta rasmiga ah, ee uu ka siday H.M King Muammad VI,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Twitter-ka.

5-tii bishii hore ee October ayay ahayd, markii Wasiirka Isgaarsiinta Algeria, Mohamed Bouslimani uu sidaan oo kale booqasho ugu yimid Caasimadda Muqdisho, soona gaarsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh farriin uu uga siday Madaxweynaha dalka Algeria, Abdelmadjid Tebboune.

 

- Advertisement -

Read more

Local News