Turkey oo xirtay Soomaali TikTok soo dhigay muuqaal caro ka abuuray dalkaas

Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka dalka Turkiga ayaa xasbiga dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo bartiisa TikTok ku baahiyay muuqaalka isaga oo jeex-jeexaya lacagta waddankaas, taas oo ay dowladda Turkiga aad uga carootay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo heysta dhalashada dalka Finland ayaa muuqaalka uu iska soo duubay wuxuu si weyn ugu baahay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, waxaana tallaabada uu qaado ay baqdin ku abuurtay dadka kale ee Soomaaliyeed oo ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho noloshooda.

Muuqaalka ayaa sidoo kale ka careysiiyey shacabka Turkiga oo falka uu ninkaas sameeyey u arkay xushmad darro lagula kacay dalkood aiyo lacagtooda.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dalka Turkiga ayaa sheegay in ninkaas ay baaritaan ku hayaan maskax ahaan, waxaana macquul ah in dhawaan maxkamad la soo taago, islamarkaana lagu rido xukun xabsi ah.

Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii haweeney Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ay difaacday haweeney Siiriyaan ah oo loo xiray qaraxii ka dhacay magaalada Istanbul oo ay ku dhinteen lixda qof, taasi oo sidoo kale caro ka dhalisay dalkaas.

Warbaahinta adduunka ayaa soo qaadatay muuqal ay haweeneyda ku faafisay baraha bulshada, iyadoo sheegaysa in haweeneyda la xiray aanay iyadu falka ku lug lahayn.

Dalka Turkiga, oo ah saaxiibka Soomaaliya, ayaa waxaa ku sugan Soomaali aad u farabadan oo badankood galay sanadihii la soo dhaafay, hayeeshee ficillada qaar ay ku kacayaan Soomaalida ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato lagana mamnuuco tegitaanka waddankaas, kuwa joogana laga naco.