Muxuu madaxweyne Geelle ka yiri kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab?

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay xiritaanka Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage oo lagu soo gabagabeeyay dalkaasi ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marka hore boggaadiyay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socdo inta badan gobollada dalka.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay toostay, islamarkaana ay u midowday sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

“Haddii maalin la toosi lahaa maanta waa la toosay dadkii dhan wuu wada jeedaa cid loo daneynayaa ma jirto, waa in la’iska dhiciyo,” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Soomaaliyey howshaas waa loo dhan yahay Xasan Sheekh uun maaha, waa in loo dhammaado, xaqana lagu dagaalamo,”.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in dagaalkan ay qayb ka yihiin ka dowlad ahaan, isla-markaana ay sii wadi doonaan garab istaaga walaalahooda Soomaaliyeed.

“Dagaalka aan ku wadajirno meel uu na dhigaba waan sii wadeynaa, hadda inyar uunbaa hartay,” ayuu markale yiri madaxweynaha dalka Jabuuti.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ay kordhisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kaas oo deegaanno iyo degmooyin cusub looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.