Afar arrimood oo waaweyn oo laga faa’iiday shirkii culimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan kusoo idlaaday shirweynihii Culimada Soomaaliyeed, waayahan shir noociisa ah ma aanay arag Soomaalidu.

Culimada firqooyinka oo sanado badan saxafada iyo kulan diimeedyada isku xukminaayay, si weyna isku diidana ayay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay isku keento.

Waxaa la isku keenay xilli lagu jiro marxalad xasasi ah oo ay Al-Shabaab magac diimeed ku laynayso dad muslimiin ah oo cibaado iyo ganacsi ku jira.

Sidoo kale dhaqankii Soomaalida ee Diinta Islaamka raacsan ayaa u muuqda in Teknoolijayada casriga ah ay u xoog sheegatay.

Wuxuu shirweynaha culimada uu qabsoomay xilli aad muhiim ugu ah dadka Soomaalida oo baahi badan loo qabo in xaqa la cadeeyo.

Haddaba, Sheekadan waxaa kusoo koobeyna dhowr arrimood oo laga faa’iiday shirkii culimada.

1. Midnimada Culimada: Culimada Soomaaliyeed ayaa geedaha ku kala jiray waqti fog, mas’alooyin khilaafi ah ayaa dhaliyay in qaar is-xukmiyaan.

Afartii maalmood ee shirka uu socday, culimada waxay isla qaateen in loo midoobo badbaadinta diinta iyo dalka oo aan dib loo eegin waxyaabihii hore.

In xoogga culimada la mideeyo waa faa’iido umaddeed oo waxay yareyn doonto khilaaf diimeedka iyo in magaca diinta lagu geysto dambiyo waaweyn.

2. Xukunka shareecada Islaamka ee dhaqanka Al-Shabaab: Culimada waxay soo saareen go’aan mideysan oo daliil wata, kaasi oo ay ku cadeynayaan in Al-Shabaab ay yihiin koox Khawaarij ah.

Dagaalka lagula jirana inuu yahay Jihaad ayaa ku jirtay bayaanka culimada xaqna ay tahay in dalka iyo diinta laga badbaadiyo kooxdaas.

Culimada waxay si adag bayaankooda ugu yiraahdeen Al-Shabaab iyo Daacish waa cadowga Diinta Islaamka.

Xukunkan wuxuu baajin doona kuwa laga yaabo in xiligaan kooxdu Diin ahaan uga iibin rabtay mashruuceeda.

Hadda majiro qof diin ahaan ugu dhiiran kara inuu ku biiro koox intaas oo culimo ah ay xukun diini ah kasoo saartay dhaqankooda khilaafsan shareecada Islaamka.

3. Shidaalka kacdoonka shacabka: Mar haddii ay culimadii yiraahdeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waa Jihaad ee ha laga wada qeyb-galo, waxay u badan tahay in la heli doono jihaad doon badan oo iska qoraya ciidanka dowladda iyo macawiisleyda.

Culimaddu waxay sheegen in dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish inuu yahay mid lagu difaacayo maqaasida waaweyn ee shareecada Islaamka.

Culimadda ayaa sidoo kale sheegay in aanay iyaguna guryaha iska fadhin doonin balse ay ka qeyb-gali doonaan dagaalkan oo Jihaad ku tilmaameen.

4. Firaaqii dowladda iyo culimada oo dhamaaday: Soo-bixintaankii Al-Shabaab iyo inay afkaartooda shaqeyso waxaa ugu wacna cilaaqaad la’aanta culimada iyo dowladda.

Iskaashi la’aantaas ayay kooxda ka faa’iideysatay laakiin shirkan waxa uu soo afjaray firaaqii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed, waxayna taasi ka dhigan tahay in wixii hadda ka dambeeyay aan afkaarta Al-Shabaab lagu dhex iibin karin dalka.

Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isku raacday in la dhiso golaha sare ee culimada oo saldhig u noqon doono go’aamada dhaqan dowladeedka iyo midka bulshada, ayada oo dowladda Soomaaliya loo xil-saaray inay billowdo dhismaha golaha sare ee culimada.

Kooxda xukunkaan laga soo saaray ee Al-Shabaab ayaa muddo shan iyo toban sanno ku dhow waxay dadka Soomaaliyeed u qeybisay in ay dishay iyo in ay gaaleysiisay.