SOMALILAND: 40 qof oo loo xiray Qowmu-luudnimo

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa lagaga hadlay tirada dadka dhaqan xumada loo xidhay ee Qowmu-luudnimada, taasi oo ay shaaciyeen inay gaartay 40 qof.

Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee Golaha Guurtida Somaliland, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase) ayaa sheegay in tirada dadkaasi ay korodhay bilihii dambe.

Waxa uu sheegay in 40 qof ee loo haysto ficiladaan ay 12 maxkamad la geeyay, inta baadhis lagu wadana ay yihiin 16, halka 8 kamid ah yihiin Garsugayaal iyo 4 qof oo lagu xukumay min 8 sano oo xadhig ah.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu soo jeediyay in Golaha uu meel-mariyo xeerka la-dagaalanka anshax xumada ah oo qeyb uu ka yahay Liwaadka (Qowmu-kuudnimada), kaasi oo maray heer gabagabo ah.

“Xeerkaas oo hadda ka wada-shaqeynano Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta si xataa qeyb uga noqdaan culimada, oo aan ka soo saarno. Golaha ayaa horkeeni doona kalfadhiga kan xiga.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa inoo soo baxday oo ka guddi ahaan ogaanay inay jiraan in direyska ciidamada laga ganacsado oo meherado loo furtay, waxaa noo soo baxday in la abuuro xeerka mamnuucida ka ganacsi direyska ciidamada.”

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer laga soo wariyay inay dad u xirtay eedo la xiriira Qowmu-luudnimo, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay si weyn usii kordhayay.