DF oo Muqdisho ka sameynaysa ‘aag nooc cusub ah’ markii u horeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka sameynaysa aag Warshadaha u gaar ah, sida uu shaaciyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Aagga cusub ee Warshadaha ayaa waxa uu door muhiim ah ka qaadan doona kor u kaca dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee istaraatijiga u ah xukuumadda uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamza.

“Waxaa sameyn doona aag loogu tala-galay Warshado oo ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ahba ay degi doonaan oo ah aag loogu tala-galay Warshado oo kaliya oo ka dhex baxsan deegaanka ay dadka degan yihiin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa rajeynaynaa in waqti dhaw inuu hirgeli doono aagga u gaarka ah Warshadaha, waa soo dhaweynayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa kalee ajnabiga ah inay maal-gashadaan dalka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmo kahor dhagax dhigay Warshadda sameynta Burka oo ah tii ugu horeysya ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo dalka burburkii kadib.

Warshadaasi oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhisamaheeda 37-milyan oo doollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor).

Mudane Xamza ayaa dhiirri-geliyay maalgashiga Warshadaha iyo wax soo-saarka beeraha oo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.

“In aan wax soo saarano oo warshadaheena dib u kicino, oo shaqooyinkii qaban jireen oo weliba sii casriyeysan qabtaan waa tallaabo wanaagsan oo dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee istaraatijiga noo ah wax ka qabana waaye,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.