Madaxweyne GEELLE oo war aan la fileyn kasoo saaray aqoonsiga Somaliland

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siiyay jariirada afka Faransiiska ku baxda ee Jeune Afrique ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Somaliland, isaga oo war aan la fileyn kasoo saaray aqoonsiga maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Madaxwweyne Geelle ayaa wareysigan diirradda ku saaray qaddiyada Somaliland,wuxuuna shaaciyay xilliga kama dambeysta ah ee ay dowladdiisa aqoonsan doonto.

Geelle ayaa sheegay in dalkiisu uu noqon doono kan ugu dambeeya ee aqoonsi siiya Somaliland, haddii ay aqoonsadaan dalalka kale ee ku yaalla caalamka.

“Waxaanu noqon doonaa dalka ugu dambeeya ee Somaliland aqoonsada, maxad u doonaysa in aad dhibaatooyin kale uga abuurto xuduudahayaga?” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in Jabuuti ay macaamiil wanaagsan la leedahay dhammaan dalalka gobolka oo ay ku jirto Soomaaliya, sidaas darteedna ay ixtiraameyso madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda Jabuuti ay ka shaqeyneyso nabad ku wada noolashaha iyo ilaalinta xiriirka ay la leedahay dariskeeda.

“Madaxda gobolku waa saaxiibadayo, waxaananu la leenahay xidhiidh nabadeed, sida xidhiidhka aanu Soomaaliya la leenahay, kala duwanaanshuhu waxa weeyaan in Soomaaliya tahay waddan federal ah, oo aanu madaxbannaanida dhuleed ixtiraamayna” ayuu markale wareysigaan ku yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda waddanka Jabuuti.

Go’aanka kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa dhabar jab ku ah Somaliland oo haatan xiriiri xoogan la leh dalkaas, maadaama ay ku leedahay xafiis diblumaasiyadeed.

Si kastaba, dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo ah laba waddan oo daris ah ayaa haddana walaalo ah, waxaana usii dheer in Jabuuti ay bud dhig u tahay dowladnimada Soomaaliya, maadaama dowladdii KMG aheyd lagu soo dhisay magaalada Carte sanadkii 2000.