Golaha Wasiirada DF oo soo saaray go’aano culus oo saameynaya Bajaajleyda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa soo saaray go’aanno ku socda wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya gudaha dalka, gaar ahaan caasimada.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha wasiirada.

Ugu horreyn golaha ayaa lagu ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta, kaas oo ka kooban 5 qodob oo lagu xaddidayo mootooyinka ku soo badanaya Muqdisho.

Golaha ayaa mamnuucay soo dejinta mooto Bajaajta iyo mootada labada lug leh, waxaa sidoo kale goluhu soo jeediyay in la tirakoobo Bajaajyada haatan shaqeeya.

Sidoo kale golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa isku raacay hirgelinta qodobadan oo si gaar ah u saameynaya Bajaajleyda.

Halkan hoose ka aqriso:-

1-Laga bilaabo 1-da bisha April ee sanandkan 2023 waxaa la hakiyay soo dejinta mooto bajaajta, mooto gaari iyo mootada laba lug leh, waxaana la amray dekaddaha dalka in aan lasoo dejin karin mootooyinkaasi.

2-Laga bilaabo 1-da April ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa mooto bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B),waxaana shaqadaasi fulinaya maamulka gobolka Banaadir.

3-Lama siin karo ruqsada wadista mooto bajaajta iyo mootooyinka kale qof da’diisa ay ka yar tahay 18-sanno .

4-Laga bilaabo 1-da bisha May ee sannadkan waxaa la joojinayaa bixinta taarikada la siiyo mootooyinka illaa ammar dambe.

5-Hirgelinta go’aanadan waxaa u xil saaran fulinteeda wasaaradda Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’addaha amniga dalka.