DF oo war kasoo saartay ‘isbeddel weyn oo ku yimid’ dhaqaalihii kooxda Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka ayaa ku dhawaaqday guul weyn ay ka gaartay howlgallada xoreynta ee lagu beegsanayo Shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay xaaladihii dambeeyay, wuxuuna tilmaamay in si guud loo cuuryaamiyay hanaankii maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhacay dhaqaalihii ay heli jirtay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana kala bar la dhimay dhaqaalihii soo geli jiray.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in inta badan la hakiyay lacagihii ay kooxa ka qaadi jirtay ganacsatada badeecadaha kala soo daga dekedaha iyo garoomada dalka.

“Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijtu ka qaad jirtay badeecaha muwaadiniinta Soomaaliyeed uga soo dega Dekadaha iyo Garoomada, sidoo kalena waxaa la joojiyay Baaddii kooxdu ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Dhanka kale wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in howlgallada milatariga ee socda guul laga gaaray, isla-markaana kooxda jab lagu gaarsiiyay HirShabelle, Galmudug & Jubbaland.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sidoo kale xusay in deegaano badan oo ka kala tirsan maamulladaas laga qabsaday kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu bogaadiyay dadaalka ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dowlado waa weyn oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga.