Faah-faahinta iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo dad shacab oo ka dhacay…

Jigjiga (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidamada militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa magaalada Qabri-dahare

Iska hor-imaadkan ayaa waxaa la sheegaya inuu ka dhashay kadib markii ay ciidamada militariga oo xilligaasi dhex-marayay magaalada ay dhagax tuureen dhalinyaro, kadibna ay ciidamadu adeegsadeen rasaas iyo jidh dil.

Waxaa ka dhashay iska hor-imaadkan khasaare kala duwan, illaa haddana inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 10 qof, kuwaasi oo intooda badan lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Qabridahare.

Gadood ka dhashay dhacdadan ayaa hadheeyay guud ahaan magaalada, iyada oo shacab tiro badan oo arrintaas ka carooday ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka waaweyn ee magaalada.

Dadkaasi ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan rasaata iyo jidh dilka ay ciidamada militariga Itoobiya kula kaceen shacabka magaalada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka ku dhaawacmay iska hor-imaadkan Qabri-dahare ku dhex-maray ciidamada militariga Itoobiya iyo dadka shacabka ayku jiraan kuwo xaaladoodu ay aad u liidato, kuwaasi oo si weyn looga deyrinayo.

Maamulka magaalada Qabri-dahare oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin waxa ka dhacay magaalada, iyaga oo ka dhawaajiyay inay kulan deg deg ah la yeelan doonaan maamulka ciidamada militariga, ayna kala hadli doonaan dhibaatada uu ka geystay magaalada.

Si kastaba, Jawiga guud ee magaalada ayaa lagu soo waramaya inuu degan yahay kadib iska hor-imaadkan ka dhacay, waxaana sidii caadiga aheyd kusoo laabtay isku socodka magaalada iyo goobaha ganacsiga.