Sawirro: DF oo maamullada ku wareejisay gawaari nooc cusub ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay gawaari u sameysan sida xarumaha caafimaadka, kuwaasi oo loo yaqaano nooca guur-guura ku wareejisay qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo gawaaridan ku wareejiyay wasaaraddaha caafimaadka ee dowlad-goboleedyada, kadib munaasibad ka dhacday Muqdisho.

Munaasabdda lagu wareejinayey gawaaridan u samaysan, una qalabaysan sida xarumaha caafimaad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirada caafimaadka maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolka Banaadir, madax ka socotey hay’adda UNFPA iyo marti sharaf kale.

Gawaaridan loogu tala-galay hanaanka cusub ee caafimaadka guur-guura oo gaaraya ilaa shan gaari ayaa wax badan ka geysan doona yareynta xaaladaha dhimasho ee dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada.

Sidoo kale waxay qeyb ka noqon doonaan wax ka qabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed, taasi oo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegey in gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka.

Wasiirka ayaa shaaciyay in gawaaridan la geyn doono goobaha sida; magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow, Beledweyne iyo weliba gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka go’an wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee ka jira dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta caafimaadka ee dowladda.