Daawo: Maamulka gobolka ‘oo xog cusub ka bixiyay’ tallaabadii uu qaaday MADAALE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howl-gallo uu guddoomiye Madaale hoggaaminayay oo toddobaad kahor ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa xilligaasi gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo marka uu gudaha u galay goobtaasi oo lagu caaweynayay uu garaacay wiilal iyo gabdho ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Mudane Yabooh ayaa waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Madaale ay ku timid kadib wax aan loo adkeysan karin oo ay ugu tageen halkaasi, isaga oo xusay in xataa qaarkood dadkii ku sugna goobtaasi ay iyagu dib ugu raadiyeen maryo ay xidhaan.

“Wixii ka socday dadkaan ma dareemi karin, marka la leeyahay Duqa bakoorad ayuu watay, waa la socday anigu oo wixii meeshaas ka dhacayay wax la suureysan karo ma ahan, waa wax aad u culus oo qof Soomaaliyeed, qof Diinta Islaamka sheegta uusan fiirsan karin waaye,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadkii meeshaas joogay anaga ayaa qaar kamid ah dhar u raadinay, waxaas waxay aheyd in xilligaasi ficilkaas looga jawaabo ma ahane wax kale ma laheyn.”

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa uu iftiimiyay in marka shatiyada ay gobolka ka qaadanayaan goobahaasi dhaqan xumada ka socota ay ku qaatan Maqaayad ahaan ama wax ka gedisan waxa meeshaasi lagu hayo, isaga oo iska fogeeyay in gobolka uu waxyaabahaasi ogolaansho u siiyay goobahaasi.

“Shatiga qofka marka uu qaadanayo daroogo ayaa uga ganacsana oo lagu isticmaala malahan ee waxa uu ku sheega Maqaayad, Dukaan ama Farmashiye, waxaas kala duwan ee laga soo sheekeeyay ayuu uga shaqeyna. Marka shatiga aan bixino saas ayaa ku cad ee ma ahan in qofka daroogo uga ganacsanayo.”

Hoos ka daawo muuqaalka