DF iyo QM oo wada-hadal xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki.

Labada ma’suul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ah kamid yihiin; taageerada dowladda federaalka Soomaaliya uga baahan tahay dhanka saadka ee ciidamada Soomaaliya, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray baahida deg-degga ah ee loo qabo in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxay uga wada-hadleen oo kale sidii Loo xoojin lahaa taageerada howl-galada socda iyo kuwa la qorsheynayo ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay kulankaan.

Wada-hadalkan ay Muqdisho ku yeesheen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka si hordhac ah uga billowday wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo qeyb ka noqonayaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxaha argagixisada ah ayaa waxay marar badan caalamka u caddeysay in dagaalka aysan sii wadi karin oo xagjiriinta aysan ka adkaa karin, hadii aan laga qaadin cuna-qabateynta saaran.

“Cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada,” ayuu kal hore yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cuna-qabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.