Ruto oo weerar ku qaaday madaxda Afrikaanka kadib hab dhaqan ay caadeysteen

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa markii u horeysay si weyn ugu dhaliilay Midowga Afrika inuu awoodi waayo la tacaalidda arrimaha Afrika kadib muddo ka badan lixdan sano oo uu jiray.

Ruto ayaa ka xumaaday in Midowga Afrika uu ka qeylo-dhaamiyo lacag ku dhow 90 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo loogu tala-galay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

“Waxaan si dhab ah ugu baahannahay su’aalo weydiinta maamulka Midowga Afrika. Maanta xitaa ma taageeri karno Soomaaliya. Waxaan sugeynaa in Midowga Yurub na siiyo $85 Milyan. Waa waalli! Ma waxaad ii sheegaysaa 54 dal, 60 sano kadib xornimadooda, ma maamuli karaan $85 Milyan oo lagu taageero Soomaaliya?,” ayuu yiri Ruto.

Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu tilmaamay in dalalka Afrika ee saboolka ah sida Soomaaliya, inay sugaan taageerada dhinacyada kale sida Midowga Yurub, halka ay aheyd in Midowga Afrikaanka ah uu gacan ka geysto.

“Hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsan yihiin maalgelin shisheeye. Dowladda Muqdisho waxay ku tiirsan tahay deeqaha iyo deymaha ay ka helaan dalalka horumaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay William Ruto.

Ruto ayaa waxa uu ku baaqay isbedel wax ku ool ah oo qaab dhismeedka Midowga Afrika ah, si ay si madax-banaan ula tacaalaan caqabadaha qaarada, loogana maarmo in dalalka horumaray la gacan hoorsado.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Midowga Afrika uu daba-yaaqadii bishii March uu dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo loogu tala-galay ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Danjire Bankul Adewe oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa xilligaasi sheegay in ciidamada howl-galka Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawin doonin Soomaalida, haddii aan dhaqaalahaasi loo helin.

Madaxda gobolka ayaa dhawaan ku kulmay Kampala, halkaasi oo ay ku adkeeyeen baahida loo qabo in guddiga Midowga Afrika uu ka fiirsado ka faa’iideysiga sanduuqa nabadda ee Midowga, si uu u taageero kor u qaadida awoodda amniga ee Soomaaliya.