Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda ka taagan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Dr Cali Xaaji Aadam ayaa maanta ka qeyb-galay shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda dalka Sudan.

Shirkan oo ku qabsoomay habka fogaan aragga ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Golaha wasiirada caafimaadka ee dalalka Carabta, waxayna dhinacyada uga wada-hadleen arrimaha kasoo cusboonaaday xaaladda Sudan, oo uu ka socdo dagaal galay toddoabaadkii saddexaad.

Wasiirka Caafimaadka Sudan Dr Haytham Cawad ayaa ka warbixiyey xaaladda qeybta caafimaadka ee dalka Sudan iyo dhibaatooyinka ka soo gaaray dagaalada ka qarxay wadankaasi.

Warbixintan ayaa waxa uu wasiirku ku codsaday in lala soo gaaro gurmad caafimaad oo deg deg ah, sida dawooyin iyo agab caafimaad, maadaama Isbitaallo badan ay soo gaareen burbur baaxad leh.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aaden ayaa uga tacsiyeeyey shacabka Sudan dhibaatada ka soo gaartay shaqaaqooyinka ka socda caasimadda iyo gobollada kale ee wadanka Suudaan.

Sidoo kale waxa uuna Alle uga baryey inuu ugu deeqo nabad waarta dalka Sudan, sida lagu sheegay qoraal ay wasaaradda kasoo saartay kulankaan deg deg ah ee yeesheen golaha wasiirada caafimaadka ee dalalka Carabta

Golaha ayaa u muujiyey garab istaag walaalnimo walaalahood Sudan, waxayna go’aamiyeen in goobaha colaaduhu saameeyeen la gaarsiiyo gurmad deg deg ah oo dhanka caafimaadka ah, kaasi oo iskugu jira dawooyin iyo agab caafimaad.