MADAALE oo shaaciyay arrin uga qorsheysan dhagxaanta jidadka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay kulan su’aalo lagu weydiinayay isaga iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa shaaciyay arrin uga qorsheysan dhagxaanta jidadka Muqdisho qaarkood lagu jaray.

Guddoomiye Madaale oo ka garaabay dhibaatada ay waddooyinka xiran kala kulmaan shacabka reer Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay qorsheynayaan in la furo waddooyinka xiran oo la qaado dhagaxyada ku go’an, isaga oo tusaale usoo qaatay kalkiisi hore ee 2016-ka.

“Annaga 2016-kii marka tallada joognay, qaasatan anigu aan ahaa Duqa Magaalada xilligaas jid dhagax yaallo ma jiri jirin, Cabdi-bilayaasha ayay ciidanka marmar ku xiri jireen oo inta ka degno oo dhirbaaxno ayaa ka qaadi jirnay. Dhagax jid yaallo wax jiri-jiray ma ahan,” ayuu yiri.

“Dhawaan go’aan ayaa laga qaadan doono oo waa socota howshiisa qaadista dhagxaanta haddii Ilaahay yiraahdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Madaale.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka ay u suurta-gasho inay isku furaan waddooyinka magaalada Muqdisho ay u qorsheyn doonaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba waddooyin gaar ah oo ay maraan, kuwaasi oo hadda dhibaato weyn ku qaba adeegsiga jidadkaasi.

“Magaalada Muqdisho waddooyinka caadiga ah ayaa dhib lagu qaba, markay inoo suurta-gasho isku furida waddooyinka magaalada oo laami laga dhigo ayaa u qorsheyn doona meelo ay maraan.”

Maamulka gobolka Banaadir oo muddooyinkii dambe u muuqda mid shaqadiisa dardar xoogan ku wada, ayaa waxa uu xilligaan qeyb ka yahay qorshaha lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho iyo howl-gallada ka socda caasimadda.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo ciidamada cusub Boolis Militari ayaa isku fidiyay Muqdisho, taasi oo keentay inay nafis weyn dareemaan shacabka ku dhaqan caasimada oo horay u wajahayay xaalado amni darro.