Ruushka oo KHASAARE 100,000 oo askari ah kala kulmay dagaalka Ukraine

 ka badan 20,000 oo askari oo Russian ah ayaa ku dhintay, 80,000 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen shan bilood oo dagaal uu ka socday bariga Ukraine, gaar ahaan Bakhmut, waxaa sidaas Isniintii sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

“Waxaan qiyaasaynaa in Ruushka uu la kulmay khasaare ka badan 100,000, oo ay ku jiraan in ka abdan 20,000 oo la dilay,” ayuu weriyayaasha u sheegay afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby.

“Isku daygii Russia ee weerarka Donbass, gaar ahaan Bakhmut, waa uu fashilmay… Russia waa ay ku guuldarreysatay inay qabsato dhul la taaban karo oo muhiim ah,” ayuu yiri.

Kirby oo soo xiganaya warbixin sirdoon oo Mareykan ah, ayaa sheegay in kala bar kuwa la dilay ay ahaayeen askar ay soo qortay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner, oo inta badan ciidanka kasoo qorata xabsiyada Ruushka.

Khasaraaha dagaalka — oo inta badan ka dhacay Bakhmut, halkaasi oo ciidamada Ukraine laga saaray magaalada waxyar mooyee — ayaa ah tan iyo billowgii December, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

“Isku dayga dadaalkan, gaar ahaan Bakhmut, wuxuu ku fariistay qiime culus. Russia waxay hurtay inta badan hubkeeda iyo ciidankeeda,” ayuu yiri Kirby.

Kirby ayaa sheegay inuusan bixineyn qiyaasta khasaaraha Ukraine, sababtoo ah buu yiri “waa dhibanayaasha, Ruushkana waa kuwa gardarrada wada.”

Aqalka Cad banaanka ma keenayo “akhbaar xaaladda kusii adkeyn karta” xulufo Reer Galbeed oo ciidankooda ay tababaraan ama hubeeyaan isbaheysiga dalalka Mareykanka uu hoggaamiyo, ayuu yiri Kirby.

VOA + AFP