Ebrahim Raisi oo booqasho taariikhi ah ku tegeya Syria

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa maalinta Arbacada ah u safri doona caasimadda dalka Syria ee Dimishiq.

Booqashada Raisi ee Dimishiq ayaa qaadan doonta muddo laba maalmood ah, ayna tahay tallaabo aad u muhiima oo qayb ka ah iskaashiga sii kordhaya ee gobolku uu la yeelanayo xukuumada Syria, sida ay baahisay warbaahinta dawladda Iran.

Danjiraha Iran u jooga Syria Xuseen Akbari ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA in safarka uu madaxweyne Dr. Raisi uu ku tegeyo Dimishiq maalinta Arbacada ee soo socota inuu yahay mid muhiim ah oo la xidhiidha isbedelada ka socda gobolkaas.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, madaxweynaha Iran ayaa hoggaamin doona wefti ballaadhan oo ay qayb ka yihiin ganacsato iyo siyaasiyiin kala duwan.

Tehran oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Bashaar al-Asad, ayaa taageero joogto ah u fidinaysay Syria 12-kii sano ee ugu dambeeyey ee ay colaaduhu ka socdeen.

Hase yeeshee hore uma dhicin in madaxweyne ka socda Iran inuu dalkaas booqdo tan iyo sannadkii 2011, oo ahayd xilligii uu dagaalku ka bilawday Syria.

Booqashada madaxweynaha Iran uu ku tegeyo Syria ayaa ku soo aadday toddobaadyo kadib markii uu heshiiska taariikhiga ah dhexmaray dalalka Iran iyo Sucuudiga, oo si weyn isugu haya siyaasadda gobolka, taasi oo horseeday inay iridaha u furto in dalalka Carabtu ay dib ula macaamilaan xukuumadda go’doonsanayd ee Syria.

Danjiraha Iran u fadhiya Syria ayaa sheegay in safarkani aanu muhiim u ahayn oo keliya Syria iyo Iran, balse uu yahay mid wax wanaagsan ku soo kordhinaya dalalka kale eek u yaalla gobolka.

Xukuumadda Syria, illaa haatan faah-faahin kama bixinin safarkan qorshaysan.

Madaxweynihii ugu dambeeyey ee ka socda dalka Iran ee booqasho ku taga dalka Syria wuxuu ahaa Maxamuud Axmed Najaat, kaasoo dalkaas booqday sannadkii 2010.

Sidoo kale madaxweyne Assad ayaa isagu booqday Tehran bishii May ee sannadkii hore, kaasi oo ahaa safarkii labaad ee uu dalkaas ku tago, tan iyo intii uu dagaalku ka bilawday Syria.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sannadkii hore bogaadiyey xidhiidhka uu dalkiisu la leeyahay Syria, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah labada dal, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhkaas weliba sida ugu macquulsan.

Iran ayaa kalmo militari iyo mid dhaqaale u fidinaysay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Assad, tan iyo markii uu dagaalku bilawday, iyada oo ciidamo u dirtay Syria kadib codsi ay sheegeen inay ka heleen xukuumadda dalkaas, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay yihiin la taliyayaal.

Marka laga soo tago Ruushka, Iran ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee uu isku halleeyo Assad, kaasi oo la tacaalaya dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socda, kaas oo ay ku naf waayeen illaa 500,000 oo qof, halka ay ku barakaceen kala badh shacabka dalkaasi.