DF Somalia oo shir caalami ah uga qeyb-galeysa GENEVA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb-galaysa shir caalami ah, iyada oo halkaasi gaareen wafdi heer sare oo ka socda dowladda.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wafdi khubaro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiiru-dowlaha iyo wafdigiisa ayaa ka qayb-geli doona shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyinka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeelata caafimaadka aadamiga iyo deegaanka, sida ay shaacisay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya shirweynaha saxiixayaasha 11-aad ee Axdiga Rotterdam (RC COP 11) oo maanta Salaaso ah ka furmi doona magaalada Geneva.

Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hannaanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cayayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaanshaha dalalka wax loo iib-geeyo.

Sidoo kale waxa uu qeyb ka yahay shuruucda caalamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kiimikadaa soo saara iyo shrkadaha ka ganacsada.

Axdigan ayaa Soomaaliya iyo dalalka la shalalka ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido iyo kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin.