Ciidamada DF oo howlgal ku laayey 60 Shabaab ah

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen agagaarka degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab,  xilli ay marayeen deegaanka Cali Qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga degmadaasi

Guddoomiyaha degmada Xarardheere, Mudane Maxamed Yuusuf Kulmiye oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay khasaare culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shanaab.

Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan lagu dilay 60 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hub fara badan oo loo waday Al-Shabaab ay kusoo furteen howlgalkaasi, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen laba gawaari oo ay wateen xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la laayey.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ragga la dilay ay ku howlanaayeen dhibaateynta dadka shacabka ah, isla-markaana ay hubka u wadeen kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan gobolka Mudug.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka degmada Xarardheere.

Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa marxalad dagaal, ayada oo la filayo in wajiga labaad ee howlgalka uu ka billowdo maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.