Faah-faahinta nin weerar ka geystay Muqdisho ‘oo gacanta lagu soo dhigay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaas oo ay guul ka sheegteen saraakiisha amniga.

Howlgalka ayaa yimid, kadib markii bam-gacmeed lagu tuuray bar-koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan, waxaana kadib xigay howlgal ka daba tag ah oo ay sameeyeen ciidamada la weeraray.

Saraakiisha laamaha amniga ee gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka ay sameeyeen ay kusoo qabteen ninkii ka dambeeyay tuurista bambada, isla-markaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada mara ay gacanta ku dhigeen ninka weerarka geystay ay ku soo qabteen laba haween ah oo uu sheegay inay kala shaqeeyeen weerarka, kuwaas oo iyana laga soo qabtay xaafadda Haanta Dheer ee degmada Dayniile.

Dhanka kale, saraakiisha amniga ayaa sheegay in weerarkan loo adeegsaday bam-gacmeed uusan geysan wax khasaare ah, wuxuuna dhacay xilli aroor hore ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka socday howlgallo amni xaqiijin ah, waxaana ugu dambeeyay oo ay ciidamo fashiliyeen weerar toos ahaa oo ay Al-Shabaab ay damacsaneyd inay ku qaado Beerta Nabadda, kadib markii la qabtay qaraxyo iyo kooxdii fulin laheyd.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si weyn isku beddalay, kadib qorshe cusub oo ay la timid dowladda federaalka, waxaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan weeraro iyo falal amni darro oo ka dhici lagaa gudaga caasimada Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka Shabaab.