ISRAEL oo weerar culus ku qaaday Daanta Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Nablus (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa Daanta Galbeed ee la haysto ku dilay saddex dagaal-yahan oo Falastiiniyiin ah, howl-galkaas oo ciidamada ay ku qeexeen mid lagu soo qabanayey xubno lagu tuhunsan yahay argagixisanimo.

Bayaan ay soo saartay ayey wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ku sheegtay in saddexda nin oo lagu dilay xerada qaxootiga Balata ee Nablus lagu magacaabay Muhammad Abu Zaytoun, 32 jir, Fathi Abu Rizk, 30 jir, iyo Abdullah Abu Hamdan, 24 jir.

Guutada Shuhadada Al-Aqsa, oo ah garabka hubeysan ee xisbiga Fatah ee madaxweyne Mahmud Abbas, ayaa bayaan ku sheegtay in saddexda nin ay xubin ka ahaayeen dagaalyahannada kooxda.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay toogteen dhowr dagaal-yahan kadib markii dagaal uu qarxay intii uu socday howl-galkaan ay ku macneysay โ€œka hortag argagixiso,โ€ kaasi oo saddex qof ay kusoo xireen.

Intii uu socday howl-galka, โ€œkoox hubeysan ayaa rasaas kusoo furay askarta kuwaasi oo iyagana rasaas ku jawaabay,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Israel.

Bayaanka ayaa intaas ku daray “in ciidamada ay soo xireen saddex qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dhaq-dhaqaaq argagixiso.โ€

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Falastiin Nabil Abu Rudeineh ayaa dilka ku qeexay โ€œxasuuq dhab ah”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarada ciidamada Israel ay yihiin dambiyo dagaal oo weyn iyo ciqaab wadareed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in โ€œaamusnaanta Mareykanka ay Israel ku dhiiri-gelineyso inay kordhiso weerarada,” isaga oo Washington ugu baaqay โ€œinay de- deg usoo faro-geliso inay joojiso waalida Israel ee gobolka kusii riixeysa qarax.โ€

- Advertisement -

Read more

Local News