Liiska hantida madaxweyne Erdogan oo la shaaciyey

Ankara (Caasimada Online) – Hantida madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo xaaskiisa Aamina Erdoğan ay soo bandhigeen doorashada ku celiska ah ka hor ayaa sidaan ahayd.

Lamaanaha waxay leeyihiin dhul dhan 2 kun oo mitir oo laba jibbaaran oo 1988 ka gateen tuulada Dumankaya ee Güneysu, Rize, iyo guri ku yaal degmada Kısıklı ee Üsküdar. Istanbul waxay ku leeyihiin laba saami oo midkiiba qiimihiisu dhan yahay 7 milyan iyo 695 kun oo Lira kaas oo ay gateen 2019.

Ku dhawaaqista hantida ayaa sidoo kale lagu sheegay in Erdogan iyo xaaskiisa ay heystaan 1 milyan 884 kun iyo 878 Lira, balse Mustafa Erdogan lagu leeyahay 5 milyan 390 kun oo Lira.

Maxaad ka taqaanaa Erdogan, madaxeweynaha mar waddooyinka ku iibin jiray rooti?

Madaxweyne Rajab Teyib Erdogan oo asal ahaan kasoo jeeda magaalada Rize, waxaa uu ku dhashay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, 26-kii bishii Febraayo sanadkii 1954, walow dadka qaar ee wax ka qora taariikhdiisa ay ku andacoonayaan in isagoo yar ay qoyskiisa usoo guureen Istanbul.

Waxaa uu wax ku bartay iskoolka hoose dhexe ee Kasimpasa sanadki, halka dugsiga sarena uu kaga baxay iskoolla sare Imam Hatib, halkaas oo uu ku bartay barashada diinta Islaamka. Markii uu dhameeyay waxbarashada hoose, waxaa uu ku biiray mac-hadka Eyub, wuxuuna sidoo kale shahaadada koowaad ee jaamcadda ka qaatay jaamacadda Marmara, halkaas oo uu ka bartay maamulka iyo dhaqaalaha sanadkii 1981.

Aabbihii waxaa uu ahaa dadka kaxeeya doomaha, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dad wax ka qoray madaxweyne Erdogan taariikhdiisa ay sheegeen in yaraantiisa uu rooti iyo liin uu ku iibin jiray waddooyinka xaafadda Kasimpasa ee magaalada Istanbul, lacagta uu ka helana uu isaga bixin jiray waxbarashada.

Dadka wali ku ganacsada wadadad Kasimpasa, madaxweyne Erdogan waxay u arkaan in uu yahay mid kamid ah iyaga. Dhammaan biibitooyinka ku yaalaa xaafadaas waxaa ku dhegan sawiradi hore ee Erdogan oo xiran dharka kubadda cagta lagu ciyaaro.

Dadka ku nool xaafadda Kasimpasa ee degmada Kulaksiz waxay sheegaan in Erdogan ay u arkaan nin kamid ah dadka xaafadda oo waddooyinka rooti ku iibin jiray, kubadana ku ciyaari jiray xaafadda.

Madaxweyne Erdogan ayaa yaraantiisa la sheegaa in uu aad u ciyaari jiray kubada cagta, waxaana hadda lagu tilmaama in uu yahay hogaamiyaha dalalka fara ku tiriska ee Islaamka, dimuqraadiyadana ay ka jirto.

Horraantii sanadkii 2001, muddo dhan afar bilood ayuu madaxweyne Erdogan xabsiga ku jiray, markii lasii daayayna waxaa uu bilaabay hirgelinta mabaad’ida xisbiga uu hogaamiyo ee AK party, maadama xillgaas dalka Turkiga ay ka jirtay guux dadweyne oo ah in uu dalka isbadel ka dhaco.

Waxaa uu marar badan soo noqday ra’iisul wasaare, haddana waxaa uu markii labaad yahay madaxweynaha Turkiga, isagoona baddelay dastuurka dalkaas. Sidoo kale Erdogan waxaa uu horay usoo noqday duqa magaalada Istanbul.

Ka siyaasi ahan, waxaa lagu tilmamaa in uu yahay ra’iisul wasaarihii ugu guusha badnaa iyo shakhsi markii uu xabsiga kasoo baxay ku guuleystay doorasho, sarena u qaada halka dalka Turkiga uu ka taagnaa dunida.

Isha: BBC