31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dhageyso: Odayaasha dhaqanka SSC Khaatumo oo farriin culus u diray DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka inay la shaqeeyaan masuuliyiinta ay dhowaan doorteen.

Caaqil Axmed Muuse oo ka hadalay doorashooyinkii ay qabteen iyo farriinta ay u dirayaan dowladda federaalka ayaa sharaxay sida ay doonayaan inay ula jaan-qaadaan midnimada Soomaaliya.

“Doorashadii aan qabanay ee golaha dhexe Jaamac Yaasiin ayaa guddoomiye ku soo baxay, ku xigeenkiisana Jaamac Aadan, sidoo kale waxaan madaxweynaha SSC u dooranay Maxamed Sheekh,” ayuu yiri Caaqil Axmed Muuse.

Caaqilka ayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka ka codsaday inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub oo ay doorteen, “Soomaaliyey is barbar taaga xukuumadda aan dhisnay ee u taagan midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri.

Caaqil Axmed Muuse ayaa sidoo kale sheegay in SSC ay tiir-dhexaad u tahay midnimada umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan leenahay madaxda Soomaaliya daymo gaar ah arrinkaan u yeesha soona dhaweeya dhaqdhaqaaqa aan wadno,” ayuu yiri Caaqil Axmed Muuse.

Sidoo kale waxaa odayaashii baaqa u diray dowladda federaalka ka mid ahaa Caaqil Cabdulqaadir Guure oo sheegay in masiirkii SSC Khaatumo ay gacanta u geliyeen masuuliyiin ay iska dhex doorteen.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka SSC ayaa cuqaasha uga mahadceliyey dhismaha maamulka cusub ee SSC Khaatumo.

“Dadka kuwii dhintay Allaha u naxariisto, laakiin kuwa nool hala garab istaago, hadda waxaan dhisanay maamul cusub, waxaana garab istaag ka rabnaa caalamka, dowadda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka SSC.

- Advertisement -

Read more

Local News