29.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta saxiixay saddex xeer

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta sixiixay saddex xeer oo kala duwan.

Xeerarkan saddexda ah ayaa waxay hore uga soo gudbeen golaha wakiilada maamulka Jubbaland iyo xukuumadda, kuwaasi oo meel-mariyay.

Xeerarkan ayaa kala ah;

1. Xeerka Hay’ada Waddooyinka Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

2. Xeerka Sharciga Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah oo ay soo gudbisay Wasaarada Kaluumeysiga dhaqaalaha Buluugga ah.

3. Xeerka Ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Xeerarka saddexda ah ee uu maanta saxiixay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidaas waxay ku noqon doonaan dhaqan-gal, sida ay sheegtay Madaxtooyada Jubbaland.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News