Muqdisho (Caasimada Online) –Faahfaahino hor dhac ah ayaa laga helayaa weerar caawa ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.
Jugta qaraxyo waaweyn ayaa goordhow laga qamlay gudaha degmada Shangaani, waxaana laga helayaa warar hordhac ah.
Sida ay nagu soo gaartay xogta qaraxyadaan koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday gurigii hore ee degmada Shangaani uu ka deganaa Allaha u naxariistee Siyaasi Maxamed Dheere.
Ilaa hada lama iga khasaaraha ka dhashay weerarkaas oo ay fulisay koox wadata mooto Bajaaj.
Kooxdii fulisay weerarkaas banbooyinka loo adeegsaday ayaa goobta ka baxsatay, mana jirto ilaa hada cid faahfaahin ka bixisay khasaaraha.