24.5 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Baarlamaanada maamul goboleedyada oo war culus ka soo saaray wax ka bedelka dastuurka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka oo Muqdisho ku shiray ayaa soo saaray bayaan ka kooban 10 qodob, kadib kulan u socday 3-dii ilaa 4-tii bishaan.

Markii laga reebo Puntland, Afhayeenada baarlamaanada 4-ta dowlad goboleed ee kale ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan wax ka bedelka lagu sameynayo dastuurka iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Xubnahaan ayaa sheegay inay horay u dalbadeen inay talo ku yeeshaan dib u eegista dastuurka dalka, balse aan laga talo gelin howlaha socda ee lagu dhameystirayo dastuurka dalka.

“Waxaba kama fulin heshiiskii ahaa in la is waafajiyo dastuurka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo shuruucda kale oo ay soo saarayaan golayaasha dowladda dhexe,” ayaa lagu yiri war-xaafadeedka.

Guddoomiyeyaasha baarlamaanada afarta dowlad goboleed ayaa cadeeyey in laga reebay guddiyada wax ka bedelka iyo dib u eegista dastuurka, waxay sheegeen inuu ku daray baarlamaankii hore ee 10-aad, balse uu ka reebay baarlamaankaan 11-aad.

“Ma jiraan guddiyo ka wada shaqeeya shuruucda dalkaan, baarlamaanada dowlad goboleedyada wax talo wadaag ah kuma lahan shuruucda lasoo dhisayo ee dalka,” ayaa lahu yiri nuqul ka mid ah bayaanka.

Guddoomiyeyaasha baarlamaanada  dowlad goboleedyada ayaa diiday inay ka qeyb galaan shir uu ku casuumay guddoonka baarlamaanka federaalka, iyagoo ku xiray labo shuruud.

1- in la cadeeyo cidda lhe hoggaaminta golaha afhayeenada golayaasha xeer-dejinta dalka.

2- in la hirgeliyo qodobadii horay loogu heshiiyey, waxna laga bedelo sharciga socdaalka dalka, maadaama baaralamaanada dowlad goboleedyada loo diiday baasaboorka diblomaasiga.

Hoos ka akhrso baraanka oo dhameystiran:

- Advertisement -

Read more

Local News