Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa maanta waraaqadaha aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalkaasi, Jabriil Ibraahim Cabdulle, kaas oo uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh.
Munaasabad ka dhacday qasriga madaxtooyada Kenya ayaa danjire Jabriil looga gudoomay waraaqaha aqoonsiga, isaga oo haatan si rasmi ah guda-geli doono shaqadiisa.
Jabriil ayaa ah shaqsi galaangal xoogan ku leh dalka Kenya, ayada oo la filayo in uu dhaba wanaagsan u xaari doono xiriirka labada dowladood ee dariska ah.
Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Kenya ee beddalaya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo dhawaan soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee Kenya, isaga uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi muddo shan sano ah.
Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle oo horay uga hadlay magacaabiistiisa ayaa u mahadceliyay madaxweyne Xasan, maadaama uu igmaday shaqo qaran oo weyn, isaga oo ballan qaaday inuu gudan waajibaadkiisa.
Sidoo kale wuxuu markaas ka hadlay xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo soo hadal qaaday mad-madowgii soo kala dhexgalay 5 sano ee lasoo dhaafay.
“Muhiimadda ugu weyn waxaa waayay xiriirka labada dal wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo 5-tii sanno ay u dambeysay uu iska xumaa, sabab badan oo aad la socotaan” ayuu yiri.
Si kastaba, dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa haatan cagta saaay waddo horay loogu sii qaaday oo xasilooni siyaasadeed ah, waxaana dhanka kale magacaabista Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle si wayn u soo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Kenya.