Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay agaasimihii hore ee VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta wareegto soo saaray ayaa xil cusub u magacaabay agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ninkan u igmday inuu noqdo Lataliyahiisa gaarka ah ee dhameystirka howlaha Dastuurka oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ku takhasusay horumarinta dowladnimada iyo nabadda, isaga oo kasoo mid noqday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka,

Sidoo kale wuxuu xoghaye guud u soo noqday Guddiga Dhameystirka Dib u Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ujeedka magacaabista Xuseen Sheekh ayaa lagu sheegay inay la xiriirto qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddalka Dastuurka oo ay dood ka taagan tahay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muujiyey mudnaanta uu siinayo dhammeystirka dastuurka dalkeenna ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee qabyo-tirka dastuurka” ayaa lagu yiri wareegtada magacaabista ah.

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud wuxuu soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasab Sheekh 15-kii May ee sanadkii hore, wuxuuse xilkaas iska casilay horraantii bishii August ee sanadkan aynu ku jirno ee 2023-ka.

Sababa is casilaaddisa waxaa ugu weynaa doorashada Koonfur Galbeed, isaga oo isku soo taagay xilka madaxweynaha maamulkaas oo dhowaan loo tartami doono.

Si kastaba, magacaabistiisa ayaa loo arkaa mid muujineysa dadaalka weyn ee uu haatan madaxweynaha ku bixinayo Dastuurka oo la filayo inuu go’aan ka gaaro baarlamaanka.