Baarlamaanka Puntland oo sameystay muddo kororsi horleh kadib markii Deni uu…

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay go’aan lama filaan ah oo ku aadan xiisadda ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Golaha ayaa iska diiday go’aankii madaxweyne Saciid Deni ee ku aadanaa in loo laabanayo nidaamka doorashadii hore, waxaana ay sameysteen muddo kororsi hal sano ah.

Xildhibaanada ayaa isla maanta meel-mariyay inay sannad sii joogaan, ayna soo dooran doonaan Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen, marka la gaaro 8-da Jaaayo 2024-ka.

Tallaabadan ayaa daba socota go’aankii shalay kasoo baxay guddiga isimada SSC- Khaatuma oo go’aamiyay in Baarlamaanka haatan jiro loogu daro 12 bilood, si ay iyagu u doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, loogana gudbo khilaafka ka jira Puntland.

Xubnaha baarlamaanka ayaa saaka loo qeybiyay go’aanka isimada SSC, iyaga intaas kadib meel mariyay muddo kororsi 12 bilood ah si ay sii shaqeynayaan.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in lifaaqa uu soo saaray madaxweynuhu uu yahay mid waqtigiisu kasoo dib dhacay, sidaas awgeedna ay iyagu la wareegeen go’aanka arrimaha doorashada, sida uu shaaciyay guddoonka golaha wakiilada Puntland.

Golaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in saacadaha soo socda lasoo magacaabayo guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, si loo guda galo doorashada.

Arrintan ayaa timid, saacada uun kadib markii uu madaxweyne Deni xalay shaaciyay inuu ka laabtay go’aankiisii hore ee aheyd doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu doorashada ku qabto waqtigeeda, iyada la raacayo nidaamkii hore.

Si kastaba, tallaabada baarlamaanka ayaa weji kale u yeeleysa xiisadda, waxaana sidoo kale laga war sugayaa go’aanka madaxweynaha iyo xubnaha mucaaradka ee ku aadan arrimaha soo kordhay, kadib muddo kororsiga uu sameystay baarlamaanka Puntland.