Kenya oo SOOMAALIYA ka raali gelisay arrin xasaasi ah oo ku saabsan Somaliland

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa raali gelin siisay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib qoraal xasaasiyad abuuray oo baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka uu ku baahiyey Senator ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Senatorka ayaa qoraalkaas uga hadlay kulan uu Nairobi kula yeeshay saraakiil ka socotay Somaliland, isagoo sheegay inay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa duulimaadyo toos ah oo Hargeysa to Nairobi ah.

Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa arrintaan ka soo saaray qoraal raali gelin ah, isagoo cadeeyey in Kenya aqoonsan tahay midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa cadeeyey in dowladda Kenya ay Somaliland u aqoonsan tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku raali geliyey dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ay la jaanqaadeyso Midowga Afrika oo aqoonsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya wuxuu sharaxaad ka bixiyey xafiiska ay Somaliland ku leedahay Nairobi, kaas oo sida uu sheegay ka shaqeeya arrimo ganacsi oo Kenya aysan u aqoonsaneyn safaarad.

Qoraalka Xoghayaha ayaa xubnaha baarlamaanka Kenya lagu xusuusiyey in aysan awood u laheyn inay faro-geliyaan siyaasadda arrimaha dibadda Kenya, waxaana twitterka Senatorka laga saaray qoraalkii ay dhibsatay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacowday safiirka cusub ee Kenya, ninkaan oo horay u soo noqday musharax madaxweyne ayaa ku xeel-dheer diblomaasiyadda, waxaana la rajeynayaa inuu wax badan ka bedeli doono siyaasadda ay Kenya kula dhaqanto Soomaaliya.