Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aanka DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay go’aankii uu xalay doorashada maamulka Puntland ka qaatay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayada oo ay si weyn usoo dhaweeyeen inta badan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland.

Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in gebi ahaan uu ka laabtay go’aankiisii doorashada ee sida weyn loo diidanaa ee ahayd qof iyo cod.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa shaaca ka qaaday inuu ogolaaday in dib loogu laabto hanaankii doorasho ee ka dhici jiray Puntland.

“Waxaan rabaa anoo u turaya Mustaqbalka Puntland in aan halkaan uga dhawaaqo in doorashadu ku dhacdo 8 Jan lagu doorto nidaamkii qabaliga ahaa ee 66 xildhibaan” ayuu yiri Siciid Deni.

Haddaba sidee looga falceliyay go’aanka madaxweyne Saciid Deni?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay arrintan, waxaana intooda badan ay boggaadiyeen madaxweynaha Puntaland.

Cali Catoosh oo kamid ah dadka ka hadlay go’aanka Deni ayaa yiri “Mudane Madaxweyne waad ku mahadsan tahay go’aanka aad qaadatay xilli adag”

Saciid Cabdi ayaa isuguna arrintan uga falceliyay “Waxaas wax la aqbali karo maahan madaxweyne!!”.

Maxamuud Sheexo ayaa yiri “Mudane madaxwayne waxa aad muujisay bisayl siyaasadeed, hufnaan iyo tanaasul aad u muujisay dadka iyo dalkaagaba guuleyso madaxweyne”

Suheyb Binu Seylici “Sagootin ha lo  sameeyo duqa, maadaama dadka iyo dalka uu  u turay”.

Idiris Cabdulqaadir “Go’aan geesinimo leh mahadsanid mudane madaxweyne, waxaan rajeenaynaa inay guddoonka baarlamaanka aqbali doonaan”.

Cabdiraxmaan Guudleed ayaa kasoo horjeestay in dib loogu laabto doorashadii hore “Waa wax laga xumaado runti in aan nabadoon iyo xildhibaan calooshiis u shaqayste ah in Puntland dib loogu celsho”.