28.1 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Midowga Yuurb oo taageero buuxda u muujiyey Somalia kadib damacii Abiy Ahmed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa taageero buuxda u muujiyey madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya kadib Is-afgaradkii ay Addis Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

“1-dii Janaayo, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biihi ayaa saxiixday is-afgarad Itoobiya u damaanad qaadaya inay marin u hesho Badda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibedda Midowga Yurub.

“Midowga Yurub wuxuu jecel yahay inuu xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Tani waxay muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.”

Qoraalka Midowga Yurub ayaa dhabar-jab weyn ku ah damaca waaliada ah ee Abiy Ahmed, oo rumeysan in heshiis beenaad uu la galo Muuse Biixi uu ku boobi karo badda Soomaaliya.

Qoraalka Midowga Yurub ayaa laga dareemi karaa muhiimadda ay leedahay in gobolka laga ilaaliyo xasillooni darro kale, xilli Badda Cas ay mar horeba ka taagneyd xiisad xooggan oo ka dhalatay dagaalka Gaza, ayadoo Xuutiyiinta ay weeraro dhowr ah la beegsadeen maraakiibta ganacsi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la hadlay labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in tallaabada Itoobiya ay qaaday ay tahay “nasiibdarro.”

“Cid awood u leh dhulka Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dhulka ay iska leeyihiin jiilka soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.”

Waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka Al-Shabaab, guulana ka gaartay.

“Jihada aad 1-da Jannaayo u jeesateen kasoo jeesta, waddo idinka ma jirto meeshaas,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo farriin u dirayey Itoobiya.

Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland ay Itoobiya ka kiranayso marin-badeed 20km ah muddo 50 sano ah, taas beddelkeedana ay Itoobiya rasmi ahaan u aqoonsanayso Somaliland.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa is-afgaradkaas, oo heshiiskiisa ay ku ballameen inay saxiixi doonaan, ku tilmaamay inuu yahay mid “taariikhi ah.” 

- Advertisement -

Read more

Local News