Itoobiya oo ku dhowaaqday in ay aqoonsanayso Somaliland

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhowaaqday go’aan kale oo sii hurinaya xiisadda haatan ka dhalatay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan magaalada Addis Ababa kula gashay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi, kaas oo ay si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Mesganu Arga ayaa xaqiijiyay warka ku aadan aqoonsiga Somaliland, kadib heshiiskii ay madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kula galeen Addis Ababa.

Mesganu Arga ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay Somaliland siinayso aqoonsi buuxa, islamarkaana uu  kamid yahay qodobada heshiiska ay wada galeen labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabada koowaad ee Itoobiya qaadeyso kadib heshiiska uu noqonayo aqoonsiga, sida uu hadalka u dhigay.

“Tallaabada koowaad ee ay qaadeyso Ethiopia waa aqoonsiga Somaliland, si ay u hesho bad ay isticmaasho,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, sida lagu baahiyay bogga BBC News Ahmaric.

Hadalkan kasoo yeeray Itoobiya ayaa waxa uu sii xoojinayaa midkii Muuse Biixi Cabdi oo horay u sheegay in badda ay siiyeen Itoobiya ay ku bedasheen aqoonsiga Somaliland.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shalay soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.