25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

LIVE: Ciyaarta xiisaha leh ee Final-ka ee HirShabelle iyo Galmudug (Daawo)

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Waxaa goordhoweyd bilaabatay ciyaarta xiisaha leh ee Final-ka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka, oo ay wada dheelayaan HirShabeelle iyo Galmudug.

Kulanka galabta oo ah mid xamaasad badan, ayaa waxaa garoonka Stadium Muqdisho soo buux dhaafiyay taageerayaal badan oo la kala safan labada kooxood.

Ammaanka Garoonka iyo guud ahaan hareerihiisa ayaa si weyn loo adkeeyay, ayada oo Booliskii ugu badnaa maanta la geeyay Stadium Muqdisho.

Kulanka kama dambeysta ah ee ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa sidoo kale sawaxankiisu si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardinayaan ciyaartan.

Tebiye: Bashiir Baarbe

Halkan hoose toos uga daawo ciyaarta

- Advertisement -

Read more

Local News