25.5 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

DF oo ka digtay halis kusoo wajahan dalka – Maxay tahay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay duufaan ay sheegtay inay kusoo wajahan tahay qaybo ka mid ah dalka, taasoo loogu magac daray 𝗟𝗮𝗹𝘆.

SoDMA ayaa shaaca ka qaaday in duufaantan ay bilaabatay 14-kii bishan ayna ku socotay xawaare hoose oo u dhexeeya 75 illaa 100 kiilo-mitir saacadii, balse ay hadda xoogeysatay.

Hay’adda ayaa sheegtay in xawaaraha duufaanta uu maanta gaaray 85 illaa 10 kiilo-mitir saacaddii, isla-markaana saadaasha ay muujineyso inay xaaladda kasii dareyso.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay magaalooyinka ay hadda ku wajahan tahay duufaantan, kuwaas oo dhacay Koonfurta Soomaaliya, waxaana kamid ah Baydhaba, Kismaayo, Jamaame, Baraawe, Marka iyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Sida ay hay’addu sheegtay dabeylahan ayaa dhalin kara khasaare hantiyeed mid nafeed oo ka dhaca deegaanada uu dhow xeebaha, saameyn karana doomaha isticmaala badda.

“Cabsida ugu wayn ayaa ah inay sababi karto burbur hnatiyeed sida guryaha deegaanada dhaca xeebaha iyo doonyaha kalluumeysiga iyo kuw ganacsiga ee dhex goosha marin badeedkaas” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Hay’adda SoDMA ayaa shacabka Soomaaliyeed ee deggan hareeraha xeebaha ugu baaqday inay feejignaan muujiyaan, ayna ka taxadaraan duufaanta Laly.

“Ha’yadda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) XJFS waxay bulshooyinka ku nool deegaanadaas kor ku xusan ee dalka ugu baaqeysaa inay ka taxadaraan khataraha ka dhalan kara duufaantaas” ayaa la raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan ku duftay xaaladda Elnino oo wadatay roobab daadad wata oo dhaliyay inay fatahaad ka dhacdo qaybo badan oo kamid ah dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News