Gaari hub iyo daawo u waday Shabaab oo la qabtay + Sawirro

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta howgal culus fuliya ayaa gacanta kusoo dhigay gaari hub iyo daawo u siday kooxda Al-Shabaab, xilli uu marayay xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gaariga oo ah nooca ay Soomaalida u taqaano Laylo Calaawi ayaa lagu qabtay deegaanka Maraay-suuley oo u dhow deegaanka Mesegawaa, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Howlgalkan oo lagu qabtay hub, rasaas, saanad ciidan iyo daawo loo waday Al-Shabaab ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay ururka 86-aad ee Guutada 77 ee ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan aagga xadka kala qaybiya labada gobol ee HirShabelle.

Ciidamada ayaa soo bandhigay sawirrada gaariga iyo qeybo ka mid ah agabka uu u siday kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi lagu qabtay gaariga u socday dhankooda, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa weli isku horfadhiya dhulka howdka ah ee u dhexeeya labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo badanaa ay dagaallo ka dhacaan.

Si kastaba, Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo is dabajoog ah ayaa ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee dhaca soohdinta labada gobol, si looga saaro kooxda Al-Shabaab.