25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Mareykanka oo safiirka S/A ka dhigay persona non grata

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Washington, Ebrahim Rasool, loo aqoonsaday “persona non grata”, taasoo ka dhigan in aan la aqbalayn joogitaankiisa gudaha Mareykanka.

Rubio, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada, ayaa ku eedeeyey Rasool inuu yahay “siyaasi kicinaya muran qowmiyadeed” isla markaana uu neceb yahay Mareykanka iyo Madaxweyne Donald Trump.

“Safiirka Koonfur Afrika ee Mareykanka lagama soo dhoweynayo dalkeena weyn,” ayuu yiri Rubio. “Wax xiriir ah nagama dhaxeeyo, waxaana loo aqoonsaday persona non grata.”

Sida lagu sheegay mareegta safaaradda Koonfur Afrika ee Washington, Rasool wuxuu xafiiska la wareegay 13-kii Janaayo, markaasoo uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynihii hore Joe Biden, taasoo bilow u ahayd xilligii labaad ee uu ka shaqeynayey caasimadda Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka iyo safaaradda Koonfur Afrika ee Washington ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ku saabsan arrintan.

Xiriirka Mareykanka iyo Koonfur Afrika oo sii xumaanaya

Xiriirka Mareykanka iyo Koonfur Afrika ayaa sii xumaanayay tan iyo markii Madaxweyne Trump uu jaray taageeradii dhaqaale ee Mareykanka siin jiray dalkaas. Trump wuxuu tallaabadiisa ku sababeeyay mucaaradkiisa siyaasadda dhulka ee Koonfur Afrika iyo sidoo kale kiiskii dacwadda xasuuqa ee Koonfur Afrika ka gudbisay Israa’iil maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ).

Trump, oo aan wax caddeyn ah bixin, wuxuu hore u sheegay in “Koonfur Afrika ay la wareegeyso dhul” isla markaana “dad gaar ah si xun loola dhaqmayo.”

Dhinaca kale, bilyaneerka Koonfur Afrika u dhashay ee Elon Musk, oo aad ugu dhow Trump, ayaa sheegay in dadka cadaanka ah ee Koonfur Afrika ay la kulmayaan sharciyo lahaansho oo “cunsuriyad ah.”

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa bishii Janaayo saxiixay sharci fududeynaya in dowladda Koonfur Afrika ay si fudud dhul ugu wareejiso danaha guud, iyada oo mararka qaar aysan wax magdhow ah siin doonin milkiilayaasha.

Ramaphosa wuxuu difaacay siyaasaddan, isagoo sheegay in dowladdu aysan la wareegin wax dhul ah, balse ujeeddadu ay tahay in la yareeyo farqiga baaxadda leh ee dhulka lagu kala leeyahay ee u dhexeeya madowga iyo cadaanka dalkaas.

Arrintan ayaa sii xoojisay muranka diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan xiriirka Washington iyo Pretoria, iyadoo Mareykanka uu hadda qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo aan caadi ahayn oo uu safiirka Koonfur Afrika uga eryay Washington.

- Advertisement -

Read more

Local News